$7.00
HAL AAN GO´AANSADAY waa buug ka hadlaya waayo-aragnimada qoraaga ee la xidhiidha arrimaha bulshada iyo siyaasadda. Axmed-Keyse wuxu si kooban oo xiiso leh u soo bandhigayaa geeddisocodkiisii bulshaawinimo xagga uu ka soo bilawday, xagga uu u socdo iyo waxyaabaha socodsiiya geeddigaas. Ciddii akhriday buuggii hore ”Hal Aan Ogaadey” ee Axmed-Keyse, way soo xasuusanaysaa, marka ay kan akhriyeyso. Waa buugaag dareen taabad leh. Buuggani waa mid uu iska dhex heli karo qofkasta oo ku hawlan ka shaqaynta arrimaha horumarinta bulshadu. Hal Aan Go´aansaday waa buug ku siinaya dhiirigalin aad ku dhaafi karto wax kasta oo kaa hor iman kara. Sida oo kale, buugga waxa aad ka helaysaa waayo-aragnimo iyo aqoon guud oo ku saabsan ka shaqaynta danta guud. Buuggani wuxu si gaar ah u anfacayaa dadka doonaya in ay qabtaan door hoggaamineed si ay u horseedaan isbeddel bulsho oo wacan.
Intelligent Electric Oil Press Machine
Canon EF-S 18-135 mm f/3.5-5.6