$18.99
“Sida ay u badnayd Soomalidi ila faca ahayd, waxan ku dhashay dhul siduu u dhan yahay miyi ah oo ay taallo beel xooladhaqato ah oo aan beerashada waxba ka aqoon. Waxaan ahay wiil ay dhashay bulsho geeljir iyo adhijir ah, ilaa toban-jirkaygiina sidaas baan u noolaa.” Tabtaas buu ku bilaabmayaa xasuusqorkani. Buuggan waxa isku dhafan noloshii lama’illaawaanka ahayd ee Maxamed Aadan Shekh (oo ahaa adhijir, digtoor, wasiir, iyo dhibbane siyaasad ahaan loo beegsaday) iyo taariikhda dhow ee Soomaliya; kaas oo ah dalka ugu ayaanka daran Afrika.
Buuggu waa maragfur uu kalgacal wehelinayo, wuxuuna ka dhashay lafagur maskaxeed oo aad u fiiro dheer.
Wuxuu inoo bidhaaminayaa raadkii gumaystaha Talyaanigu kaga tegay Afrika, gefafkii ay ku kacen gadhwadeenkii xornimada Soomaalida, iyo taliskii labaatanka sannadood jiray ee Janaraal Siyaad Barree ee horseeday dhiigga iyo qalalaasaha.